| |
Taariikh nololeedkii Dr. Mire X. Farah.
Waxaa bishu markey aheyd 10/13/2006 ku geeriyooday magaalada Baydhabo
ee dalka Somalia. Allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaraada maaliyada ee DFK Somalia.
Haddi aan nahey dhamaan jaaliya ku dhaqan America iyo Canada waxaan tacsi u direynaa ehaladii uu kageeriyoodey halyeygan iyo shacabka soomaaliya oo dhan.
haddi aan wax yar ka taabano taariikhdii marxuumakan, Mire xaaji farax
waxu ku dhashay magaalada Qandala ee gobolka bari taarikhdu markey ahayd 6/18/1960.
Dr. Mire wuxuu wax barashadiisii dugsi quraanka iyo dugsiga hoose dhexeba ku dhameystay magaalada qandala. Waxabarashadiisii sare waxuu ka baxey dugsigii sare ee farsamada gacanta ee mogdishu sanadakii 1981. Markii uu ka qalin jebiyey dugsiga sare, ayuu Mire bilaabey inuu guto shaqadii qaranka (public service).
Mire oo had iyo jeer jeclaa inuu wax barashadiisa sii kororsado, ayaa
nasiib u helay inuu koorso dibadda ah ka helo jaamacad ku taal gobolka Maryland ee dalka Mareykanka.
DR. Mire wuxuu wax barshadiisa heer jaamacadeed ah, xagga dhaqaalaha iyo xisaabadka guud ku qalanjibiyay bishii 6aad, 1988. Isla sanadkaa (1988) Dr. Mire waxa uu qaatey jinsiyada Mareykanka, wuxuuna shaqo ka bilaabay magaalda Baltimore, MD,USA. laakiin had iyo jeer waxuu qalbiga ku hayey inuu wadankiisii hooyo ku noqdo. kana qayb galo sidii wadankii
loo horu marin lahaa iyo sidii loosoo celin lahaa berisamaadkii dumay.
Dr. Mire oo siddo kale ka shaqeeyey wadamada kuwait iyo Imaaradka
carabta oo uu ka mid ahaa asaasayashii shirkada kaluunka ee NEFCO, ayaa waxaa usuurto gashey in lagu casumo shirkii Jabouti ee carta ka dhacey.
Dr. Mire oo lasoo shaqeeyey dowladii carta, hadanna ka mid ahaa
barlamaanka Dowladii kumeelgaarka aheyd ayaa waxuu ahaa nin jecel horumarka iyo wax u qabadka danta guud ee beesha uu metelayey baarlamaanka iyo dhamaan horumarka ummada soomaliyeed.
Dr. Mire oo geeri degdeg ahi ku timi, marka laga reebo eheladiisa badan
ee reer xaaji faarax ayaa waxuu ka tegey xaas iyo laba caruur ah.
Waxaa soo diyaariyay,
Mohamoud Mire Said iyo Liban Xaji Cabdulahi
|
|
Gudoomiyaha Jaaliyadda degan Gobolka NJ, USA Mohamoud Mire X. Said iyo asxaabtiisa kale ayagoo ka tiiraanyeysan geeridii naxdinta laheyd ee ku timi Dr Mire Xaaji Faarax (10/13/2006) ayey bogan calinkiisa & sawirkiisa ka taageen si loogu xusuusto looguna duceeyo. Taariikh nololeedkii Mire oo koobana hoos ka akhri
Send comments to: MohamoudSaid@yahoo.com
|
Haddan nahey dhamaan Beesha Cali Saleebaan ee ku nool North America waxaan tacsi u direynaa dhamaan ehaladii uu ka geeriyooday marxuum Mire Xaji Faraax. Waxaa si khaas ah usii tacsiyadeynaaya marxuumka saaxiibadiis iyo qaraabdiisa ay ka mid yahiin:
Dr. Mohamoud Mire X. Said
Eng. Liibaan X. Abdullahi (beeldaaje)
Nabadoon: Mohamed Mire X. Said
Nabadoon Habib Mire X. Said.
Sheikh Mahad Mire X. Said
Nabadoon Mohamud Mahamed khuurshe
Pharm. Ismail Mire X. Said
Nabadoon Said Mire X. Said
Guddomiye Anis Ahmed Idris
Mayor E.O. Mohamud Idris
Ali Mire X. said
Beeldaaje Amele Hayaan Salah
Aidaruus Mire X. Said
Ayaanle Saalah
Beeldaaje: Ali Haagi Cismaan
Dr. Beedso
Mohamed Aashaguur
Guure uunlaaye
|
|
|
|
|